Arimaha guurka

Nagala soco Facebookga

 

Wakhtiga dowrada Jimce-Sabti , Axad oo bilaamatay 14.7.2017- 29.7.2017 oo ah sadex maalmood usbuucii ilaa wakhtigaa aakhirka bisha.. sii Akhri

Fadliga soonka maalinta Caashuraa

Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo kussabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno. Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan الأشهر الحُرُمbilaha xurmada leh..sida Quraanka kuxusan Nabigana  صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunnada.

FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM:

Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli badan leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:(أَفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ )  رواه مسلم
Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa soonka bisha Allah Al-muharram…”Muslim ayaa soo saaray”
Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhexjirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA.
MAALINTA CAASHUURAA:
Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram
MUNAASABADDA SOONKEEDA:
Waa  maalintii uu Allaah ka  badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام  iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.
FADLIGA CASHURA:
Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَMar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay””
عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ، فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله .  رواه مسلم

Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah hanoo dambi dhaafo amiin..

MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:
1-Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa,oo ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
3-Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.
WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY :
Maalinta 9aad:   Axadd    04.12.2011
Maalinta 10aad: Isniin     05.12.2011
Maalinta 11aad: Talaado  06.12.2011
FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-
 1-waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta  caashuura,kudayasho lagu dayanano NABIGA صلى الله عليه وسلم     ”
2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa  kaloo hortood soomay NABI MUUSE.
3-waa maalin fadli wayn leh.
4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la khilaafayo YUHUUDA, oo  ayagana maalintaan soomi jirtay.
5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa  kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW) , marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA”oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.

6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1433 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka.

Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan..aamiin aamiin aamiiin.