Posted by admin on May 14, 2012 under Uncategorized |
Ogaysiis
Waxuu Markazka Helsinki Islam Keskus uu ogaysiinayaa muslimiinta in muxadarooyin diini ah oo loogu talagalay dumarka ay qabsoomi doonan khmiista 17.05.2012 saacada 16:00 galbnimo. Malintaa oo ah maalin fasax ah waxaan codsanaynaa ciddii ay fariintan soo gaarto ay sii garsiiso gabdhha muslimiinta ah, Ajarna ha la xisaabsado imaanshaha misaajidka iyo khayrka isugu kaalmaynta.
Mawduuca: Muxadarooyin diini ah
Taariikhda: 17.05.2012
Maarinta: Khamiis
Saacada: 16:00-19:30
Posted by admin on May 9, 2012 under Uncategorized |
Ogaysiis
Waxaa dhamaan Muslimiinta uu ogaysiinyaa Markazka Helsinki Islam Keskus waaxda dugsiga Quraanka in ay dhici doonto sabtida 19.05.2012 saacada 15:00 xaflada loogu talagalay arday Quraanka dhamaysay, taas oo ah in Allaah loo mahadnaqo kadibna dhiiri galin ardadii shaqadaa soo qabatay iyo waliba in ardayda kale ku daydaan. Marlabaad waxaan ka dalbanaynaa ciddii awoodo in ay farxdaas nala wadaagaan.
Posted by admin on May 3, 2012 under Wararka markazka |
Sidii baryahaanba socotay waxaa jiray dad been abuur ka faafiyay Markazka ayagoo ku eedeeyay in Markazka iyo xubnaha ka shaqeeya iyo ururo Soomaaliyeed oo kale ay ku shaqeeyaan Musuqmaasuq, xagjirnimo, xiriirna la leeyihiin ururro argagaxiso ah IWM, taasoona loo gudbiyay warbinxinadaas been abuurka ah qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, nasiib wanaagna Allaah fadligiis uu arinkaas soo shaac baxay.Haddaba warbixin arintaas Sii akhri »
Posted by admin on under Wararka markazka |
Iyadoo lagu jiray fasaxii maalinta shaqaalaha 01.05.2012 ayaa maamulka Masjidku wuxuu soo qabanqaabiyay kulan loogu talagalay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada iyo kuwa ku xiran masjidkaba. waxaana kulankaasi uu ahaa mid laga soo jeediyay muxaadarooyin kala duwan.Muxaadaradii koowaad oo ku saabsanayd xanuunka ”BUUFISKA” loo yaqaan ayaa waxaa soo jeediyay Sh.Abdirazaak Sugulle Maxamed Sii akhri »
Posted by admin on December 21, 2011 under Dowraadka Markazka |
Waxaa dadweynaha ku dhaqan Finland loogu bishaareynayaa in Waaxda dacwda ee Masjidka Al-huda ay soo qabanqaabisay dowro loogu talogalay xilliga Qaboobaha ee fasaxa in ay dad-weynuhu ka faa’iidaystaan. Waxaana ay dowradaasi socon doontaa muddo 3-cisho ah, iyadoo loo kala qaybin doono Ragga iyo Dumarka iyo Dhalinyarada. Maalmaha ay dowradu socon doonto Axadd,Isniin iyo Talaado
Sii akhri »
Posted by admin on December 3, 2011 under Maqaallo |

Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo kussabsan
FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno. Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan
الأشهر الحُرُمbilaha xurmada leh..sida Quraanka kuxusan Nabigana
صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunnada.
Sii akhri »
Posted by admin on November 6, 2011 under Wararka markazka |
Maamulka Markaska Helsinki Islamic Center ee Masjidka Al-hudaa waxaa farxad weyn u ah inuu ugu bishaareeyo muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahan Muslimiinta reer Finland Ciida al-adxaa al-mubaarak.Allaah (SW) waxaan ka baryaynaa in Ciidan ciideeda kale inuu nagu gaarsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.Maamulka Markazka Waxa ay Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan
Allah( SW) uga Baryayaan in uu Sii akhri »
Posted by admin on October 30, 2011 under Booqashooyinka Culimada |
Waxaa maalmahaan booqasho dacwi ah ku joogay dalka Finland Sheekh Yuusuf Adan , waxaana uu sheekhu galabnimadii Axadda 23.10.2011 muxaadaro ka soo jeediyay xarunta markazka weyn ee Helsinki Islamic Center ee Masjidka Al-huda, waxaana uu sheekhu ka hadlay Walaaltinimda Islaamka. Sheekh Yuusuf waxa uu tilmaamo ka bixiyay sida uu mowduucani muhiimka inoogu yahay marxaladan Sii akhri »
Posted by admin on October 28, 2011 under Maqaallo |
Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa Alle cabsidiis, waayo iyada ayaa lagu helaa khayraadka, farxadda iyo nolosha wanaagsan, iyada ayaana gabaad u ah dhibka iyo silica nolosha lagala kulmo ee Adduunka iyo Aakhiradaba.Waxaa ummadda Muslimka ah u soo galay maalmo aad u weyn oo dadka muslimiinta ahi ay kaga faa’iidaysanayaan sidii ay ku kasban lahaayeen Sii akhri »
Posted by admin on October 20, 2011 under Dowraadka Markazka |
Waxaa maalinimadii khamiista lagu qabtay masjidka Al-huda muxaadaraad loogu talagalay dhalinyarada xilliga fasaxa dayrta. Waxaana ka soo qaybgalay dhalinyaro aad u farabadan oo wiilal iyo gabdhaba leh. Muxaadaradii koowaad oo bilaabatay 16:00 galabnimo, waxaa soo jeediyay Sh. Maxamed Xasan Shiikhoow, waxaana uu ku soo qaatay muxaadaradiisa xadiiskii ” Todobada harsanaya harka Allaah, Sii akhri »